Munaasabadda xuska shuhadada oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay shuhadadii ku shahiiday dagaalka dib-u-xoreynta, gaar ahaan Nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo Nabadoon Hibaad Cali Dasar, oo labaduba ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Hirshabelle, kuna baxay gacanta maleeshiyada Al Shabaab.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah looga qayb qaato halganka dib-u-xoreynta.

“Waxaan Madaxda Soomaaliyeed iyo shacabkaba farayaa in ay si isku mid ah uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah nabad-diidka, Ruux walba dhaqaale ahaan, cudud ahaan iyo niyad ahaanba waa in ay uga wada qeyb-qaataan xoreynta dalkeenna iyo dadkeenna.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Munaasabadda xuska oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta ayuu Ra’iisal Wasaaruhu ka sheegay muhiimadda uu xuskani u leeyahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

“Nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo Hibaad Cali Dasar oo shahiiday iyaga oo kor yeelaaya sharafta ummadeenna iyo qiimaha diinteenna suuban. Shahiid walba oo inooga shahiida dagaalka aynu kula jirno Khawaarijta, xaq-udirir walba oo ku dhaawacma, ku xoola waaya iyo ruux walba oo u dhibtooda muddada kooban ee aynu dagaalka kula jiri doono kooxda khawaarijta ah, wuxuu bilad sharaf weyn ka heli doonnaa dowladda iyo dadkeenna qiimaha badan.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa yiri “Waxaa muuqata in dalka lagu xoreyn karo intii la filayay waqti ka yar. Dagaalka aan khawaarijta kula jirno, dadka ayuu badbaadinayaa, khasaaraha iyo dhimashada dadka Soomaaliyeed ayuu yareynayaaye ma badinayo. Hadii aan dagaal kula jirno shan sano ah, lix sano dagaalka foolka foolka ah inta nooga dhimata iyo inta Soobe kaliya nooga dhimatay hadii la is barbar dhigo, inta Soobe nooga dhimatay ayaa ka badnaan doonta.”

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku celiyay in qorshaha 1aad ee Xukuumadda Dan-qaran uu yahay sugidda amniga iyo xoreynta dalka, qorshahaas oo haddii lagu guuleysto horseedaya in dhammaan qorshayaasha kale ee horumarineed la fuliyo.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa munaasabadda ka sheegay in dalka uu ku jiro dagaal dhab ah, dadka Soomaaliyeed-na laga doonayo inay yeeshaan dhaqan dad uu dalkoodu dagaal dhab ah ku jiro, dul qaataan oo ka fogaadaan waxyaabaha ay dowladdu mamnuucdo, una hoggaansanaadaan amarrada dowladda ee qaybta ka qaadanaya in guul laga gaaro dagaalkani.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com