Qoyska Cabaas Siraaji oo sheegay in muddo dheer ka dib ay heleen cadaaladdii ay raadinayeen

Qoyska Marxuum Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji, Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa soo dhaweeyay xukunka dilka ah ee maanta lagu fuliyay Dable Xoogga Dalka Axmed Cabdullaahi Cabdi Caydiid.

Qoyska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay inay muddo dheer raadinayeen cadaalad u helidda marxuumka, maantase ay cadaaladdii timid.

Qoyska ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoonka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, hay’adihii dowliga, ee ay arrintani khuseysay iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay cadaalad u helidda marxuumka.

Askariga ayaa saakay lagu toogtay Xerada General Gordan ee Magaalada Muqdisho, waxaana goobjoog ka ahaa Gudoomiyeyaasha Maxkamadda Sare iyo Darajada 1aad ee Ciidamada, General Liibaan Cali Yarow iyo Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com