Saraakiil ka tirsanaa Al Shabaab oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan ku soo bandhigay meydadka laba nin, oo lagu sheegay inay ahaayeen horjoogeyaal ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidankan ayaa horjoogeyaashan ku dilay hawlgal gaar ah, oo ay ka fuliyeen duleedka Moqokori.

Ciidanka ayaa sidoo kale deegaankaasi ku soo bandhigay gaari NOAH ah iyo hub ay sheegeen inay ka soo furteen kooxaha argagixisada.

Qoraal lagu daabacay bogga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay “Ciidanka XDS ayaa deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan ku dilay Siraad Cumar Gacal, oo ahaa horjoogihii dhanka maaliyadda u qaabilsanaa nabadiidka Gobolka Hiiraan iyo Deerow oo isna ahaa horjooge ka tirsan maleeshiyada nabadiidka Al Shabaab.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Codka Ciidamada u sheegay in dhawaan kooxaha argagixisada laga nadiifin doono dalka oo dhan.

Gulufka horaan ka bilowday gobolkaasi ee illaa iyo hadda ka socda ayaa lagu kibir-jebiyay Shabaabkii muddada dhowrka iyo sano ahayd ku amar taagleynayay shacabka Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com