Barre oo la kulmay Wasiirada Khayraadka Badda Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirada Kalluumeysiga & Khayraadka Badda Heer Federaal iyo kan Dowlad Goboleedyada.

Wasiiradan oo maalmihii la soo dhaafay shirar uga socday caasimadda Dalka ee Muqdisho ayaa Ra’iisal Wasaaraha uga warbixiyay nuxurka shirarkii ay galeen iyo shaqooyinka ay ummadda Soomaaliyeed u hayaan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay dadaalka ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan, isagoo kula dardaarmay in bulshada lagu wacyigliyo in khayraadka badaheena ku jira la soo baxaan, sidoo kale ay tababaro iyo gacan qabad siiyaan ganacsatada yar yar ee ku hawlan, sidii ay badda wax ugala soo bixi lahaayeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com