Dowladda oo sheegtay in la soo afjaray weerarkii Hotel Tawakal ee Kismaayo

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa sheegay in ciidamada amniga Jubbaland ay soo afjareen weerarkii dableyda Al Shabaab ka tirsan ku qaaday Hotel Tawakal ee Magaalada Kismaayo.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa hambalyo iyo bogaadinba u diray ciidamada amniga, oo uu ku ammaanay inay si dhakhsi ah u soo afjareen weerarkaasi.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ciidamada geesiyaasha ah ee cadowga u soo diyaargaroobay gumaadka ummadeenna muddada kooban ku soo afjaray, waxaana ku ammaanayaa mujaahidiinta geesiyaasha ah ee dhiigooda iyo naftoodaba u huray, sidii ay dadkeenna uga badbaadin lahaayeen dhagarta khawaarijta.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa qoraal ku sheegay “Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu naxariistii Janno siiyo dhammaan shuhadada ku shihiiday weerarkii fuleynimada ahaa, ee ay argagixisadu ku beegsadeen maanta shacabkii harsanayay Hotel Tawakal ee Magaalada Kismaayo, inta ku dhaawacantayna uu u booga dhayo.”

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa yiri “Dagaalka gebo-gabada maraaya ee aan kula jirno khawaarijta waa mid marka ay xanuunsadaan ay isku dayi doonaan in ay dhibaateeyaan shacabkeenna birimageedada ah. Marka waxaan kula dardaarmayaa dadkeenna in ay sabarka iyo adkaysiga badiyaan maalmaha kooban ee ka hartay nolosha Khawaarijta.”

War qoraal ah oo lagu baahiyay Telefishinka Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadu ay soo afjareen dableydii weerarka soo qaaday.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaan weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan, ilo wareedyo ayaase sheegaya in shan qof ku dhimatay, halka shan iyo toban kalena ay ku dhaawacantay. Khasaaraha ayaana intaasi ka badan kara.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in tirada dableyda weerarka gaysatay ay afar nin ahayd.

Tawakal Hotel ayaa ka mid ah hoteelada ugu caansan ee ku yaala Magaalada Kismaayo, waana hotel ay dhaqdhaqaaqiisa ku badan yihiin siyaasiyiinta, saraakiisha iyo dhaqankaba, waxaana la sheegay xilligii uu weerarku dhacayay in dad badani ay ku sugnaayeen.

12-kii bishii July ee sanadkii 2019 ayay Shabaabku weerarkoodii ugu horreyay oo hotel ku yaala Kismaayo ay ka gaystaan ku qaaday Hotel Cascasey. Weerarka Tawakal Hotel ayaana noqonaya kiisii 2aad.

Magaalada Dekedda leh ee Kismaayo oo ah Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sidoo kale ah Xarunta Ganacsiga Jubbaland. Shabaab oo dhowr sano magaaladan ka arriminayay ayaa laga saaray sanadkii 2012.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com