Hormuud Salaam Foundation oo dhaqaale lacageed ugu yaboohday Dr. Xabeeb (SAWIRRO)

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa dhaqaale lacageed oo gaaraya $15,000 waxa ay ugu deeqday Dr. Xabeeb, oo muddooyinkii ugu dambeysay ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho, si ay ugu noqoto kaalmo, si dalka dibadiisa loogu soo daweeyo.

Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Dr. Xabeeb) oo waayadaan la xanuunsanaa Dhiig Madaxa uga furmay ayay Hormuud Salaam Foundation ugu talogashay lacagtaas in lagu daweeyo, Dr Xabeeb oo ah dhakhtar muddo dheer u adeegayay dadka Soomaaliyeed, kuwooda dhimirka la’.

Munaasabada guddoonsiinta deeqdan lacageed oo ka dhacday Isbitaaka Dr Xabeeb ayaa waxaa guddoonsiiyay Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Mudane Cabdullaahi Nuur Cismaan iyo Madaxa Howgelinta ee Shirkadda Hormuud Telecom, Cabdikariin Maxamed Kaariye.

Cabdikariin Maxamed Kaariye, Madaxa Howgelinta ee Shirkadda Hormuud Telecom ayaa sheegay in Shirkadda Hormuud iyo Bangiga Salaam Somali Bank garabka u qaabilsan gargaarka iyo caawinaadda ee Hormuud Salaam Foundation loo aasaasay howlahaan.

Dr. Xabeeb oo goobta ka hadlay ayaa aad uga mahadceliyay kaalmadaa lacageed ee ay Hormuud Salaam Foundation guddoonsiisay, oo uu sheegay inay deeqdaasi soo gaarsiisay xilligii uu ugu baahida badnaa, wuxuuna ugu duceeyay in Allah u barakeeyo xoolahooda.

Masuuliyiintii kale ee goobta ka hadashay ayaa Alle u baryay in uu caafimaad degdeg ahi uu siiyo Dr. Xabeeb, oo lagu xusuusto howlahihiisa daryeelka ee dadka dhimirka ka xanuunsanaya, waxayna masuuliyiintaasi ballanqaadeen inay garab taagan yihiin Dr. Xabeeb.

Dr Xabeeb ayaa dhawaan loo qaadi doonaa dalka Turkiga, si halkaas loogu soo daweeyo, idinka Alle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com