Macluumaad la xiriira weerarka Shabaab ku ekeeyeen Hotel Tawakal

Ciidamada Jubbaland ayaa weli dableyda maleeshiyada Al Shabaab ka tirsan qaybtood kula dagaalamaya Hotel Tawakal, ka dib markii duhurnimadii maanta ay weerareen.

Weerarka oo qarax ku bilowday ayaa waxaa xigay dabley hubeysan oo gudaha u gashay hotelkaasi, xilli dad fara-badan ay ku sugnaayeen, waana hotel ay dhaqdhaqaaqiisa ku badan yihiin siyaasiyiinta, saraakiisha iyo dhaqankaba.

Taliye Kuxigeenka Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Gaashaanle Warsame Axmed Geelle ayaa faah faahin ka bixiyay, sida ay wax u dhaceen.

Taliye Kuxieenka ayaa sheeay in la laayay inta badan raggii weerarka soo qaaday, haddana uu hal nin oo qura ka dhex dagaalamayo dhismaha hotelka, warkaas oo aan wax caddeyn ahi loo hayn, inkastoo hay’adaha amniga ay agagaarka hotelkaasi ku soo bandhigeen meydka nin ka mid ahaa dableydaasi.

“Argagixisada ayaa maanta soo weerartay hotel ka mida hoteelada magaalada ku yaala, meel fiican bayna howshu maraysaa. Hadda qaarkood waa la laayay, hal nin baa ku haray, kaasna mar dhow baan soo afjaraynaa, Insha’Allah.” Ayuu yiri Taliye Kuxigeenka.

Mar wax laga weydiiyay, sida Shabaabka ugu suurtagashay inay weeraraan hotel amnigiisa si weyn loo ilaaliyo ayuu ku jawaabay “Nimankan waa cadow, waa argagixiso, Somaliya oo dhan bay dhibaatada ku hayaan. In badan haddii magaalada ay nabad noqoto, mar iyo laba wax way ka dhacayaan.”

Gaashaanle Geelle ayaa ka gaabsaday inuu ka waramo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, waxaase uu sheeay inay dib ka soo sheegi doonaan, kolka weerarka la soo afjaro.

“Khasaaraha hadda lama sheegi karo, markii waxaan kala deggaan oo ninkaa haray dilno, wixii ka dambeeyo uun baa khasaaraha sheegi karnaa.” Ayuu yiri Geelle.

Hotel Tawakal ayaa ku yaala waddada aadda Dekedda Kismaayo, waana mid ka mida hoteelada loogu ilaalada badan yahay ee magaaladaasi.

Waa weerarkii 2aad oo Shabaabku ka gaystaan hotel ku yaala magaaladaasi. 12-kii bishii July ee sanadkii 2019 ayay weerar is qarxin ku bilowday ku qaadeen Hotel Cascasey.

Waa weerarkii 2aad oo Shabaabku ka gaystaan hotel ku yaala Kismaayo. 12-kii bishii July ee sanadkii 2019 ayay weerar is qarxin ku bilowday ku qaadeen Hotel Cascasey.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com