Wararkii ugu dambeeyay weerarka Hotel Tawakal ee Magaalada Kismaayo

Dabley ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa duhurnimadii maanta weerar culus ku ekeeyay Hotel Tawakal ee Magaalada Kismaayo.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka hore ee hotelka, waxaana daqiiqado ka dib gudaha u galay dabley ku diyaarsaneyd bannaanada hotelkaasi.

Ciidamada amniga Jubbaland oo buuxiyay aagga hotelkaasi ayaa dagaal kula jira maleeshiyadii Shabaabka ee hotelka soo weerartay.

Xilligii uu weerarku dhacayay xaalad deganaansho ah ayaa ka jirtay hotelka, waxaana joogay dad fara-badan, iyada oo arday ay mareysay waddada hotelkaasi.

Waxaa la soo warinaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, balse tiro rasmi ah lama hayo.

Hotelkan oo ku yaala Bartamaha Magaalada Kismaayo ayaa ka mid ah hoteelada sida weyn amnigooda loo ilaaliyo, waxaana inta badan degga masuuliyiinta hay’adaha dowladda, siyaasiyiinta iyo weliba Odayaasha Dhaqanka.

Hotelka ayaa sidoo kale ku yaala waddada isku xirto faras magaalaha magaalada iyo weliba Dekedda Kismaayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com