Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka arrimaha deegaanka iyo is bedelka cilimada

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay shirka arrimaha deegaanka iyo is bedelka cilimada ee Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay qorshaha Somaliya ee ku aaddan ka hortagga xaalufinta iyo nabaad guurka deegaanka.

Madaxweynaha oo dul istaagay saamaynta baaxadda leh ee is bedelka cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Somaliya ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in wadamada gobolku ay yeeshaan wada shaqeyn dhow, oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha cimilada is bedelaysa.

“Somaliya, waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed, ka dib markii afar xilli roobaad oo isku xigga ay baaqdeen, sababo la xiriira is bedelka cimilada. Waxaan xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka, oo sal u ah mushkiladda dunida oo dhan saameysay ee is bedelka cimmilada, inagoo dhawaan daahfurnay Hindisaha Qaran ee Somaliya Cagaar ah, kaasi oo mudnaan gaar ah siinaya daryeelka dhirta, dib u cagaarinta dalka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Shirka oo ay ka qaybgaleen wufuud heer caalami iyo kuwa ka socday dalalka gobolka ayaa la iskula meel dhigay tallaabooyin wadajir ah, oo wax looga qabanayo saamaynta is bedelka cimilada ee wadamada Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhanka kale si wadajir ah xarigga uga jaray, xarunta cilmi baarista deegaanka oo laga hirgaliyay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com