DDS oo saanad militari ugu deeqday Maamulka Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa Axaddii Degmada Feerfeer ku guddoomay deeq ka timid Dowlad Deegaanka Soomaalida, si loogu dardargeliyo hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Deeqdan ayaa ka kooban laba gaari oo Cabdi Bille ah, saanad ciidan, dawo iyo raashiin, waxaana uu Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ka guddoomay Gudoomiyaha Gobolka Shabelle, Aadan Axmed Sooyaan oo ay wehliyaan Saraakiisha Nabadgelyada ee Dowlad Deegaanka.

Gudoomiye Jeyte ayaa Madaxda Dowlad Deegaanka kaga mahadceliyay deeqdan iyo taageeradooda ku aaddan dagaalka ay kula jiraan Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Jeyte ayaa sheegay inaanay markii ugu horreysay ahayn in Madaxda Dowlad Deegaanka ay garab istaag u muujiyaan bulshada iyo Maamulka Gobolka Hiiraan, isla-markaana ay tani tahay dareen walaalnimo oo aan la qiyaasi karin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com