Danjire James Swan oo dhowr sano ka dib, soo geba-gabeeyay shaqadiisii diblomaasiyadeed ee dalka

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah Xarunta Villa Somalia kula qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey ee dalka, Danjire James Swan, kaasoo uu muddo xileedkiisii dhammaaday.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Danjire James Swan doorka uu ka qaatay taageerada Dowladnimada Somaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhankiisa, Danjire Swan oo Madaxweynaha uga mahadceliyay kulankan ayaa tilmaamay, sida uu ugu faraxsan yahay wada shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadkii diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tibaaxay, sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblomaasiyadeed, ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, taas oo ku saleysan in danaha dadka Soomaaliyeed lagu xaqiijiyo iskaashi iyo wax la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

Swan ayaa haatan soo geba-gabeeyay shaqadiisa diblomaasiyadeed ee uu ku joogay dalka, tan iyo sanadkii 2019.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa 30-kii bishii May ee sanadkaasi soo magacaabay Swan, ka dib markii Dowladdii Madaxweyne Farmaajo ay dalka ka eriday Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobey u joogay dalka, Danjire Nicholas Haysom.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com