Madaxweyne Deni “Waxaan diyaar u nahay ka qayb qaadashada ciribtirka argagixisada”

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato hawlgalada dalka ka socdo, ee la doonayo in xididada loogu siibo mintidiinta Al Shabaab.

Madaxweynaha oo maanta furay Kalfadhiga 51aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa dadka reer Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

“Dowladda waxay bulshada reer Puntland ugu baaqaysaa inay la shaqeeyaan laamaha amniga, waxaana la faray masuuliyiinta laamaha amniga in ay muujiyaan feejignaan iyo fir fircoonaansho.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlayay furitaanka Kalfadhiga 51aad ee Golaha Wakiilada Puntland.

Madaxweynaha ayaa bidhaamiyay in Puntland ay si dhow ula socoto hawlgalada ka soconaya qaybo ka mida gobolada dalka, ayna diyaar u yihiin inay ku biiraan gulufkaasi.

“Puntland waxay si dhow ula socotaa hawlgalada la dagaalanka argagixisada ee ka socdo Koonfurta Somaliya, waxaana diyaar u nahay ka qayb qaadashada ciribtirka argagixisada.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Deni ayaa intaasi ku daray “Sidoo kale waxaan halkan uga tacsiyadeynayaa shacabkii iyo ciidamadii naftood ku waayay la dagaalanka argagixisada Al Shabaab.”

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa sanadkan wajahaya gulufkii ugu ballaarnaa, ka dib markii shacabka Soomaaliyeed ay ka dhiidhiyeen arxan darradooda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com