Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda oo hadiyado guddoonsiiyay Danjiraha Qatar (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa munaasabad kooban oo sagootin ah u sameeyay Safiirka Qatar ee dalka, Danjire Hassan bin Hamza, oo soo geba-gabeeyay howlihii diblomaasiyadeed ee dalka uu u joogay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa hoygiisa casho sagootin ah ugu sameeyay Safiirka, isagoona uga mahadceliyay Safiirka howshii uu ka qabtay Somaliya, intii uu ahaa Danjiraha dalka Qatar u fadhiya Caasimadda Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in xiriirka u dhaxeeya labada dal uu yahay mid soo jireen ah, isla-markaana ay xukuumaddiisa ka go’an tahay inay xoojiso iskaashiga ay leeyihiin labada waddan.

Safiirka ayaa Ra’iisal Wasaare Barre uga mahadceliyay casho sharafta iyo iyo hadiyado uu guddoonsiiyay Ra’iisal Wasaaruhu.

Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani ayaa bartamihii bishan waxa uu Dr. Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi u magacaabay inuu noqdo Safiirka xigga ee Qatar u fadhiya Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com