Ra’iisal Wasaare Barre oo kormeeray Xarunta Taliska Comando Polizia (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kulan lagu xoojinayo ammaanka dalka la yeeshay Saraakiisha iyo qaybaha kala duwan ee Talisyada Ciidanka.

Ra’iisal Wasaaraha oo xusay ahmiyadda Ciidanka Boolisku u leeyihiin nabadda iyo is dhexgalka bulshada ayaa kula dardaarmay Saraakiisha in la xoojiyo ammaanka, xiligan ay socdaan hawlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada, maadaama ay isku dayi karaan falal naf-lacaari ah oo lagu dhibaateynayo shacabka.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa astaan muhiim u ah dowladnimada, horumarka iyo fulinta sharciga, waa inaad la timaadaan howlkarnimo iyo feejiganaan dheeraad ah, si bulshadeennu uga badbaado cabsigelinta iyo ficilada guracan ee argagixisadu maleegayaan.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo soo hadalqaaday doorka Ciidanka Booliska kaga aaddan deegaanada laga xoreeyay kooxaha argagixisada ayaa ku booriyay in kaalintooda sugidda nabadgelyada bulshada ay qaataan, shacabkana laga difaaco kooxahaasi.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa soo indha-indheeyay qaybaha ay ka kooban tahay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Comando Polizia, isagoo warbxinno kaga dhageystay Hoggaanada Ciidanka, sidoo kalena booqday Xarunta Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo lagu soo bandhigay howlaha ay qabtaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com