Shir aan caadi ahayn oo lagu qabtay Degmada Maxaas iyo 6 qodob oo laga soo saaray

Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta lagu qabtay shirka xaqiijinta ee geeddi-socodka amniga iyo sidii maleeshiyada Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolkaasi.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshablle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, kan Hirshabelle, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi, Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Tawane Axmed Gurey iyo Odayaasha Dhaqanka.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shirkan ku qeexay “Ujeedka aan shirkan u soo qaban-qaabinay wuxuu yahay, sidii loo xaqiijin lahaa guulihii la gaaray iyo sidii waxa dhimana loo dhameystiri lahaa.”

Sanbaloolshe ayaa yiri “Markii hore dagaalku wuxuu ku bilowday si habqan ah oo aan laga tashanin, wixii hadda ka dambeeyana dagaalka la qaabeeyo, la abaabulo, maamul & madax uu yeesho, difaacna loo yeelo iyo in taakuleyn loo sameeyo.”

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in hawlgalka ka socda gobolkiisa uu gaaray halkii ugu sarreysay, loona baahan yahay xaqiijin iyo in shacabka la gaarsiiyo gargaarka ay u baahan yihiin.

Gudoomiye Jeyte ayaa ka qaybgalayaasha la wadaagay qodobo muhiim ah oo lagu sugayo amniga, qodobadaas oo la xiriira habka xaqiijinta nabadgelyada degmooyinka iyo deegaanada ee gobolkaasi.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa dhankiisa sheegay in Shabaab la gaarsiiyay jab xoogan, ayna tahay in laga ciribtiro guud ahaanba deegaanada Hirshabelle.

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ka tirsan Xidhibaanada Golaha Shacabka ayaa Warbaahinta u akhiriyay 6 qodob oo geba-gabadii shirkaasi laga soo saaray.

Qodobada ayaa kala ah:-

In la sugo amniga goobaha laga xoreeyay Al Shabaab, ciidamadana ay masuuliyad ka saaran tahay

In la dardargeliyo hawlgalada, lana qaabeeyo wax kasta oo habacsanaan ka imaan karto

In qof kasta oo reer Hiiraan ah oo hub haysta, qaybna aan ka ahayn dagaalka in uu hubkiisa keeno furimaha dagaalka, haddii kalena loo aqoonsan doono in uu ka soo horjeedo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, isla-markaana uu iyaga la mid yahay

In cid kasta oo ciidamada ay ka shakiyeen in ay ku wareejiyeen laamaha amniga, sida Booliska iyo Nabad Sugidda

In qof kasta oo reer Hiiraan ah oo joogga dal iyo dibadba uu ka qayb qaato dagaalka dib-u-xoreynta gobolka, isla-markaana uu ku bixiyo wax kasta oo uu awoodo, sida maalka, fekerka iyo taladaba

In aan lagu qancin deegaanada illaa iyo hadda la xoreeyay, Shabaab-na loogu taggo goob kasta oo ay jooggaan.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa maleeshiyada Al Shabaab ka saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com