Wararkii ugu dambeeyay gulufka ballaaran ee lagu xoreeyay Qaayib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud.

Qaayib oo ku dhow deegaanka Qalaanqal oo 35km u jira Degmada Baxdo ayay maleeshiyada Al Shabaab ku lahaayeen saldhig weyn iyo weliba Xarun Maxkamadeed, waana deegaan aad muhiim ugu ahaa Shabaabka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay maalmihii ugu dambeysay hareereeyeen deegaankaasi, maantana ay weerar dhowr jiho leh ku qaadeen maleeshiyadii Al Shabaab ee halkaasi deganeyd.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in dagaal muddo kooban socday ka dib la xoreeyay Qaayib, oo muddo toban sano ka badan ay Shabaabku ka arriminayeen.

“Maantay barqanimadii ayay ciidamadayadu waxay galeen oo si xoog ah u jiireen nabadiidkii halkaasi joogay, wayna la wareegeen dagaal aan tiro badnayn ka dib, ayagoo gacanta ku dhigay magaalada, magaaladaas oo dhowr iyo toban sano ay gacanta ku hayeen, saldhig weyna u ahaa.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay ciidmadu ka feejigan yihiin weerar rogaalcelin ah oo kaga yimaada Shabaabka, isagoo intaasi ku daray in goob kasta oo weerar ka soo qaadi karaan la dhigay ciidan ka hortagga.

“Ciidamadu si feejigan oo ku talagal ah oo waayo aragnimo ay u leeyihiin nimankaasi isa suuxintooda ayay sameeyeen. Marka dhinacii la fillayay inay wax ka aadeen oo u baxeen iyo dhinac walba oo waddo ah oo soo gala, horaa looga tabaabusheystay, ciidamada magaalada ku jira maahee gees walba oo magaalada ka mid ah ciidamo kalaa fadhiya.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray “Marka waa laga feejigan yahay inay soo rogaalceliyaan, dhankee doonaanba haka yimaadaan.”

Wasiir Falagle ayaa ku waramaya in Galmudug ay dardargelinayso gulufkan ka dhanka ah Shabaabka ee ka socda gobolkaasi, iyadoo laga faa’iideysanayo kacdoonka shacabka.

“Kacdoonka shacbigii gadooday ayaa wuxuu sahlay in Dowlad Goboleedka Galmudug & Dowladda Federaalka oo iskaashanaya inay gaadada ku qaadaan cadowgaa meesha in badan joogay.” Ayuu yiri Falagle.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada kala duwan ee Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, asagoona ku dhiirigeliyay shacabka Galmudug iyo Ciidamada Qalabka Sidaba inay sii laba jibaaraan hawlgalkan lagu xoreynayo deegaanada Galmudug.”

Saraakiisha Ciidamada ayaa dejiyay qidad ciidan oo lagu doonayo in lagu qabto Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud. Shabaab ayaa Ceelbuur ku leh saldhigooda ugu weyn ee gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com