Xildhibaan Juweeriya Subcis oo lagu dilay Garoonka Diyaaradaha ee Jigjiga

Allaha u naxariistee Xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku geeriyootay rasaas ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee Magaalada Jigjiga.

Rasaasta ayaa waxaa furay askari ka tirsan Ciidanka Booliska Federaalka ee qaabilsan amniga Garoonka Jigjiga, ka dib markii la sheegay inay wada murmayn askari kale oo ka tirsan ilaalada garoonkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in askariga uu fuulay dhisme ku yaala garoonka, ka dibna uu bilaabay inuu rasaas ku furo dadkii xilligaa ku sugnaa garoonka, isla-markaana ka dhoofayay.

Juweeriya Subcis ayaa la sheegay inay ka mid ahayd dadkii garoonka ka dhofayay, waxaana jira dad kale oo rasaastaasi ku dhaawacmay.

Wararka ayaa sheegay in Ciidanka Liyuu Boolis oo gaaray Garoonka Garaad Wiilwaal ay gacanta ku soo dhigeen ninkii askariga ahaa ee falkaasi gaystay.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Jigjiga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabada guracan ee lagu dilay Xildhibaanadda, oo ka mid ahayd dhallinyarada deegaanka ee horaan ku biiray siyaasadda, waana xilli Ciidamada Federaalka lagu eedeeyo inay dhibaato joogto ahi ku hayaan dadka ka dhoofaya garoonkaasi.

Jaweeriya Subcis ayaa laga soo doortay Degmada Daratoole ee Gobolka Doollo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com