Dowladda oo sheegtay in hawlgal qorsheysan lagu dilay xubno ka tirsanaa Shabaab

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in hawlgal ay iska kaashadeen Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA iyo saaxiibada caalamiga lagu dilay 17 ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Warsaxaafadedka ayaa lagu sheegay in la beegsaday xubnaha Shabaabka, xilli ay isku uruursanayeen deegaano hoostagga deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu dilay 17 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al Shabaab, kuwaasi oo ay ku jireen labo horjooge.

Hawlgalkaan oo ay qorsheysay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo xalay dhacay ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan argagixisada oo isku uruursanayay deegaanno hoosyimaada tuulada Xawaadley ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dhammaan dhagarqabeyaashii cadowga ee ku sugnaa goobta bartimaameedku ahaa ayaa la laayay, waxaana halkaasi lagu soo afjaray dhagartii kooxdaan ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya dadka Soomaliyeed oo si joogta ah ula wadaaga xogta dhagarta aragagixisada ayaa hawlgaladii ugu danbeeyay ee todobadkaan ku dilay in ka badan 150 maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan aragagixisada.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com