Hirshabelle oo guddiyo u magacawday dagaalka ka dhanka ah Shabaabka Gobolka Hiiraan

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa magacaabay guddiyo ka shaqeeya xaqiijinta amniga degmooyinka & deegaanada Gobolka Hiiraan ee laga saaray maleeshiyada Al Shabaab iyo dardargelinta gulufka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

Guddiyadan ayaa kala ah Guddiga Taakuleynta Dhaqaalaha ee dib-u-xoreynta Gobolka Hiiraan iyo Guddiga Amniga & Kormeerka Ciidanka, iyadoo ayna qayb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo kan Hirshabelle.

Guddiga Dhaqaalaha oo kale ayaa waxaa hoggaaminaya Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, halka kan amniguna uu horkacayo General Tawane Axmed Gurey, Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Magacaabidda guddiyadan ayaa waxay ka dambeysay, ka dib shirkii amniga gobolka looga hadlayay ee shalay ka furmay Degmada Maxaas, maantana lagu soo geba-gabeeyay.

Shirka oo ay ka qaybgaleen Madaxweyne Kuxigeenka Hirshablle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, kan Hirshabelle, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi, Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Tawane Axmed Gurey iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa laga soo saaray qodobo lagu dardargelinayo hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, laguna xoojinayo amniga gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com