Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho kaga qaybgelaya Shirka Golaha Wadashiga Qaran, oo looga hadlayo amniga dalka iyo dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Shirka oo uu shir guddoomin doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qaybgelaya Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com