Madaxweynaha Puntland oo soo gaaray Muqdisho, xilli uu iclaamiyay dagaal ka dhan ah Shabaab

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha ayaa Caasimadda Muqdisho kaga qaybgelaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo looga hadlayo amniga dalka iyo dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa maanta magacaabay Taliyaha La dagaalanka Argagixisada, maalin uun ka dib, markii uu ku dhawaaqay inay Puntland ka qayb qaadanayso hawlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Deni ayaa S/gaas Muxiyadiin Axmed Muuse u magacaabay inuu noqdo Taliyaha La dagaalanka Argagixisada.

Deni ayaa shalay dadka reer Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com