Madaxweyne Cagjar oo war ka soo saaray dilka Xildhibaan Juweeriya Subcis

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa si dabacsan uga hadlay dhacdadii shalay ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee Magaalada Jiigjiga, laguna dilay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Juweeriya Maxamed Ibraahim (Juweeriya Subcis).

Xildhibaanadda oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Dowlad Deegaanka ayaa u geeriyootay rasaas uu furay askari ka tirsan Ciidanka Booliska Federaalka ee ilaaliya garoonkaasi.

Qoraal goor dambe oo xalay ahayd ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa loogu tacsiyadeeyay qoyskii, qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyeed oo ay marxuumaddu ka baxday.

Qoraal Madaxweynaha oo aan lagu cambaarayn falkaasi argagax leh ayaa u qornaa “Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa uga tacsiyeeyay qoyskii, qaraabadii & dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Xildhibaanad Juweyriya Maxamed Ibraahim oo ku geeriyootay dhacdo aad xanuun badan oo galabta ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal ee Magaalada Jigjiga, ka dib markii uu askari ka tirsan ilaalada garoonku uu rasaas ku furay martidii iyo rakaabkii ku sugnaa gudaha garoonka.

Allaha u naxariistee Xildhibaanad Juweyriya Maxamed ayaa ahayd Xildhibaanad laga soo doortay Degmada Daratoole ee Gobolka Doollo, sidoo kalena waxay ahayd xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo.

Ilaahay ha u naxariisto, Samir iyo iimaana Allah ha inaga siiyo.”

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Gaaruf oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Deegaanka iyo laba qof oo kale ayaa ku dhaawacmay rasaastaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com