Ra’iisal Wasaare Barre oo daahfuray qorshaha horumarinta korontada dalka (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray qorshaha horumarinta korantada dalka, oo qayb ka ah qorshaha xukumadda ee tiirka horumarinta arrimaha bulshada.

Barnaamijka horumarinta korantada dalka oo ku baxayso lacag dhan 150 milyan oo dollar, ayna fulinayso Wasaaradda Korantada & Biyaha oo kaashanaysa Bangiga Adduunka ayaa soconaya muddo 5 sano ah, waxaana loo qorsheeyay in 11 magaalo oo ka mid ah dalka laga hirgeliyo koronto gelin loogu samayn doono goobaha waxbarashada iyo caafimaadka ee dhammaan gobolada dalka.

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa munaasabadda daahfurka ka sheegay in nolosha casriga ah ay korontadu saldhig u tahay, oo la’aanteed aan dhaqaale la horumarin karin, amni la sugi karin, waxbarasho iyo caafimaadna la tayeyn karin, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay in la helo tamar casri ah oo dadkeenna siisa fursad ay dunida kula jaan qaadi karaan.

Xukuumadda Danqaran ayaa qorshaheeda siyaasadeed waxaa saldhig u ah horumarinta adeegyada bulsho dalka ee ku burburay dagaaladii sokeeye iyo xoreynta deegaanada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com