Abaabul iyo diyaargarow ciidan oo ka jira Magaalada Xudur (SAWIRRO)

Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxaa ka soconaya abaabul iyo diyaargarow ciidan, oo lagu doonayo in lagu weeraro deegaanada maleeshiyada Al Shabaab kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Maalmahaanba waxaa Magaalada Xudur lagu uruurinayay xoogag madani ah, oo loo abaabulay sida Macawiisleyda oo kale, kuwaa oo qayb ka noqonaya hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Xoogagan oo loogu magac-daray (Ciidamada Dulmidiid) ayaa Arbacadii lagu soo bandhigay fagaare ku yaala Magaalada Xudur.

Sidoo kale boqolaal qof oo shacab ah oo shalay isugu soo baxay fagaare halkaasi ku yaala ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan maleeshiyada Al Shabaab, waana xilli Shabaabku ay muddo sanado ah go’doomin daran ku hayeen magaaladaasi, ka dib markii ay diideen in gaadiidka ganacsiga ay taggaan.

Malaaq Cali Cabdullaahi Dirir oo ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka ee gobolkaasi ayaa sheegay in dadka deegaanka ay ka go’antahay inay ka qayb qaataan dagaalka Shabaabka looga saarayo dalka.

“Waxaa la isla qaatay Al Shabaabka Khawaarijta ah in laga xoreeyo dalkan.” Ayuu yiri Malaaq Cali Cabdullaahi Dirir.

Malaaq Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in xoogaga deegaanka ee Dulmidiid ay la hawlgeli doonaan Ciidanka Xoogga Dalka ee hawlgalkan hoggaaminaya.

Waxa uu sheegay in mar dhow ay dadka arki doonaan deegaanada hoostagga Xudur iyo deegaanada kale ay Shabaabku ka haystaan gobolkaasi oo xor ah.

Taliyaha Ciidamada Dulmidiid, Sheekh Maxamuud Xaaji Mukhtaar ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in ay maanta haystaan dowlad ku hoggaaminaysa la dagaalanka Al Shabaab.

“Annaga markii horeba waan gadoodsanayn ee dowlad na hoggaamisaa waysanayn, maantase waxaan ku faraxsanahay in dowladdan ay na leedahay dhaqaaqa oo dulmigan iska dulqaada.” Ayuu yiri Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa dadka reer Bakool kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan fursadda dowliga ah ee ay haystaan, isla-markaana ay dhulkooda ka difaacdaan Al Shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tool ayaa ku celiyay inay wax la qaybsanayaan dadka Soomaaliyeed, si la mid ah hawlgalada ka socda Gobolada Dhexe, ayna iska saarayaan maleeshiyadaasi.

Dowladda Federaalka ayaa dardargelinaysa dagaalka lagu wiiqayo maleeshiyada Al Shabaab, iyadoo ka faa’iideysanaysa kacdoonka shacabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com