Dowladda oo ciidamo u daabushay Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool (SAWIRRO)

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ciidamo isugu jira kuwa Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ka dejiyay Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Ciidamadan oo laga qaaday Magaalada Baydhabo ayaa halkaasi loo geeyay, sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Gobolka Bakool ayaa waxaa ka socdo abaabul iyo diyaargarow ciidan, oo qorshuhu yahay in hawlgalo looga bilaabo deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan gobolkaasi.

Magaalada Xudur ayuu abaabulka ugu weyn ka socdaa, waxaana la filayaa in maalmaha soo socdo uu gobolkaasi ka bilowdo gulufka loo biro tumaayo.

Malaaq Cali Cabdullaahi Dirir oo ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka ee reer Bakool ayaa Arbacadii sheegay in mar dhow ay dadku arki doonaan deegaanada hoostagga Xudur iyo deegaanada kale ee gobolkaasi oo xor ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com