Safiirkii Carbeed ee ugu saamaynta badnaa siyaasadda dalka oo soo geba-gabeeyay howlihiisii diblomaasiyadeed

Safiirka Emirate-ka Carabta ee dalka, Danjire Mohamed Ahmed Othman Al-Hammadi ayaa soo geba-gabeeyay howlihiisii diblomaasiyadeed ee dalka, ka dib markii dowladdiisa ay Safiir cusub u soo magacawday Somaliya.

Xukuumadda Abu Dhabi ayaa bishii hore ee September waxa ay Danjire Ahmad Juma Al Rumaithi u magacawday inuu noqdo Safiirkeeda xigga ee u fadhin doona Caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan sagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Safiirka Emirate-ka Carabta ee muddo xileedkiisu dhammaaday.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Danjiraha doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada Dowladnimada Somaliya.

Danjiraha oo Madaxweynaha uga mahadceliyay kulankan ayaa tilmaamay, sida uu ugu faraxsan yahay wada shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Danjire Hammadi ayaa noqonaya Safiirkii ugu muddada dheer ee Emirate-ka u joogay dalka, tan iyo markii dib loo yegleelay Dowladnimada Somaliya.

Hammadi ayaa dalka ka hawlgelayay, tan iyo sanadkii 2014, waxaana lagu tilmaamaa Safiirkii Carbeed ee ugu saamaynta badnaa siyaasadda Soomaaliyada cusub.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com