Shirka Golaha Wadatashiga oo ka furmay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya hirgelinta siyaasadda lagu gaarayo Soomaali heshiis ah ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo maanta si rasmi ah uga furmay Madaxtooyada dalka.

Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shirkan diiradda ku saaraya, dardargelinta dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha argagixisada, dhameystirka heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed iyo dib-u-heshiisiinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxda ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladaha amni iyo abaaraha ka jira deegaanada Dowlad Goboleedyada ayaa adkeeyay muhiimadda in la mideeyo dadaalada dalka lagu xoreynayo iyo gurmadka loo fidinayo shacabka ka soo barakacay abaaraha iyo argagixisada.

Shirkan waxaa ka qaybgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka, Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com