Laba wada dhashay oo ku geeriyooday qaraxyadii mataanaha ee ka dhacay Muqdisho

Alle ha u naxariistee Shaafici Maxamed Xuseen Xiirey iyo Cabdi Maxamed Xuseen Xiirey oo walaalo ahaa ayaa ku geeriyooday qaraxyadii maanta ka dhacay waddada Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in labaduba ay ku dhinteen qaraxii koobaad ee lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada, oo halkaasi ku taala.

Inkastoo aysan weli dowladdu sheegin tirada dadka ku dhintay qaraxyadaasi, haddana waxaa la fahamsan yahay in tirada dhimashadu ay aad u badan tahay.

Isbitaalada magaalada ayaad ku arkaysaa dad isaga daba laalaabanaya, iyagoo markaasi ka baadigoobaya xubno ka mida eheladooda, kuwaa oo nolol iyo geeri aanay midna ku haynin.

Qoysas badan oo degan Magaalada Muqdisho ayay caawa u tahay habeen murugo badan, bacdamaa ay qaraxyadaasi ku waayeen xubno ka mida kuwii ay jeclaayeen.

Mintidiinta Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxyadan ayaa qoraal ku sheegay “Waxa loogu yeero Wasaarada Tacliinta ayaa sidoo kale kaalin weyn ku leh askareynta ardayda Soomaaliyeed, kuwaas oo kumanaan ka mid ah ay ku biirinayaan ciidamada, halka qaar kalena ay qaab calooshood u shaqaystanima ah ugu askareyso wadamo ajanabi ah.”

Waa weerarkii 2aad oo Al Shabaab ka gaysato Caasimadda Muqdisho, tan iyo dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

19-kii bishii August weerar qarax ku bilowday ayay Shabaabku ku galeen Hotel Xayaat, oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com