Lloyd Austin “Shiinaha waa khatarta ugu weyn ee danaha Mareykanka”

Sida lagu sheegay qorshaha Difaaca Qaranka ee Mareykanka oo dhawaan la sii daayay, dalka Shiinaha ayaa ah caqabadda ugu sarreysa ee danaha amniga Maraykanka, halka Ruushka lagu tilmaamay in xaaladdiisu ay tahay mid “ba’an”, maadaama uu sii wado dagaalka “axmaqnimada” ah ee uu ka wado dalka Ukraine.

“Jamhuuriyadda dadka ee Shiinuhu waa dalka keliya ee tartan xooggan kula jira Mareykanka, marka la eego hindisaha ah, in dib loo qaabeeyo nidaamka caalamiga ah iyo iyada oo ay sii kordheyso awoodda uu sidaas ku samayn karo.” Ayuu yiri Xoghayaha Difaaca Mareykanka,  Lloyd Austin oo Khamiistii Wariyayaasha kula hadlay Xarunta Pentagon-ka.

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka oo Warbaahinta la hadlay, hase ahaatee magaciisa qariyea ayaa sheegay in awooda Shiinuhu ay sii kordheyso, isaga oo horumariyay nidaam uu kula tartami karo Mareykanka, marka la joogo dalalka caalamka, gaar ahaan dhinaca militariga, dhaqaalaha, farsamada casriga ah iyo diblomaasiyadda.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanku uu dib u casriyeeyay hannaankiisa dagaalka, gaar ahaan dhinaca hawada sare iyo dhinaca internet-ka, si loogu muujiyo cid kasta oo cadow ah, “dhibaatada uga iman karta, haddii ay ku gardaroodaan Marwykanka ama xulafadiisa”.

Warbixinta qorshaha Difaaca Qaranka ee Mareykanka oo ah mid la baahiyay ayaa ku soo aadaysa, xilli Mareykanka iyo Shiinuhu ay ku kala aragti duwan yihiin xaaladda Taiwan. Shiinaha ayaa marar kala duwan ku hanjabay inuu xoog kula wareegi doono Taiwan, haddii ay lagama maarmaan noqoto, sidoo kale Ruushka ayaa isagu weerar toosa ah ku qaaday Ukraine bishii February, isagoo si joogto ah u duqeynaya magaalooyinka dalkaas, oo uu xitaa u isticmaalay diyaarado la sheegay in Iran sameysay.

Nuqul sir ah oo ka mida warbixinta ayaa loo gudbiyey Congresska horraantii sanadkan.

Sida ku cad warbixintan, Mareykanka ayaa haatan waajahaya tartan uga imanaya laba quwadood oo ku hubeysan hubka nukliyeerka, oo kala ah Ruushka iyo Shiinaha.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in gardarada uu Ruushku ka wado dalka Ukraine inay abuurtay halis degdeg ah, wuxuuna sheegay in Mareykanku uu kor u qaaday ciidamadii ka joogay Qaaradda Yurub, kuwaas oo hore u ahaa 80,000, halka uu haatan gaadhsiiyay 100,000.

Istaraatiijiyada cusubi waxay ku baaqaysaa in horumarin ballaaran lagu sameeyo laga bilaabo dhinaca teknoolojiyadda casriga ah illaa hubka kala duwan. Xoghayaha ayaa sheegay in miisaaniyad sanadeedka 2023 ay ku jirto lacag ka badan $130 bilyan oo dollar, oo loogu talagalay in loo isticmaalo cilmi-baaris iyo horumarin, tasoo noqonaysa lacagtii ugu badnayd ee abid uu Mareykanku u qorsheeyo dhinaca horumarinta iyo cilmi-baarista.

VOA.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com