Macluumaad la xiriira weerarka ka dhacay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Qaraxyada mataanaha ee gilgilay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada ayaa galaaftay nolosha dad fara-badan oo shacab ah.

Meydad badan ayaa lagu arkayay hareeraha waddada, kuwaa oo u muuqday rayidkii la socday gaadiidka ee marayay aagga Isgoyska Zoobe iyo weliba dad kale oo ganacsato u badan, oo xilligii weerarku dhacayay ku ganacsanayay ka soo horeedka dhismaha wasaaradda. Wasaaradda ayaana ku taala goob aad u mashquul badan.

Qaraxa koowaad ee weerarku ku bilowday ayaa la aamisan yahay inuu yahay kan khasaaraha ugu badan dhaliyay. Qaraxan ayaa noqonaya mid ka mida qaraxyadii ugu waaweynaa ee soo mara magaalada.

Shaqaalaha Gurmadka Degdegga, Ciidamada Dowladda iyo dadweyne si iskood ah isu xilqaamay ayaa la arkayay, iyagoo gurmad u fidinaya dhibaneyaasha, oo la gaarsiiyay goobaha caafimaadka.

Ma cadda tirada khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkan, waxayse goobjoogeyaashu kuu sheegayaan inay arkayn tiro badan oo meydad iyo dhaawacyo ah. Baaxadda khasaaraha ayaa ka garan kartaa mashuulka xoogga leh ee ka jira isbitaalada ku yaala magaalada, iyadoona inta badan dhaawacyada la geeyay Isbitaalada Madiina, Digfeer iyo Daaru Shifaa.

Taliyihii Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan, Kabtan Xuseen Cadceed Cismaan iyo Wariye Maxamed Ciise Koonaa ayaa ka mid ah dadka illaa iyo hadda la ogyahay ee ku geeriyooday weerarkaasi.

Kabtan Ismaaciil Saciid Jaamac, Taliyaha Saldhigga Booliska ee Degmada Waaberi oo ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa xaaladdiisa lagu tacaalaya Isbitaalka Digfeer.

Ma jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda weerarkan, ha yeeshee weerarada ceynkani ah ayaa waxaa aalaaba gaysta Ururka Al Shabaab.

Weerarkan ayaa imaanaya, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay deegaano badan oo gobolada dalka ka mid ah ka saareen maleeshiyada Al Shabaab. Weerarka ayaana u muuqdo mid ka turjumaya carrada Shabaab.

Waa Shabaab iyo caadadii mar kasta oo culeys uu soo fuulo inay sameeyaan amaba qaadaan weeraro argagax-gelin ah, iyagoona bartilmaameedsada goobaha ay hay’adaha dowladda ku firfircoon yihiin, rayidkuna ku badan yihiin, waana tan ay dadku u fasirteen mid ay argagixisadu ku muujinayso inay weli nooshahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com