Madaxweyne Xasan Sheekh oo weeraray Al Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee birimageedada ah ay maanta maleeshiyada Al Shabaab ku xasuuqeen Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Culimada Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha Awqaafta & Diinta, Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ay shantii cisho ee la soo dhaafay si wadajir ah uga doodayeen hannaanka la dagaalanka fekerka xagjirnimada ah, taas oo ka turjumaysa dhibaatada iyo xanuunka ay argagixisada u gaysteen shacabka Soomaaliyeed iyo been abuurka ay ku sameeyeen diinta.

“Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii caddaanaysa arxan-darada iyo cadaawadda Khawaarijta Al Shabaab ay u hayaan qof kasta oo Soomaaliyeed. Qaraxa, dilka, xabadda la riday, ceelka la gubay, Masaajidka la dumiyay, dhammaan lacagta aad bixisaa qayb ka ah, ogoow qofka lacagta siinayow Shabaab.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay in Culimada Soomaaliyeed ay si cad ugu oogeen xujada Al Shabaab, taas oo daaha ka rogtay qiil kasta oo ay ku hoos gaban jireen, kagana been abuuran jireen diinteenna suuban ee Islaamka.

“Maanta ma jiro hal qof oo shaki uu kaga jiro qorshaha rasmiga ah ee argagixisada Al Shabaab in uu yahay xasuuqa iyo gumaadka dadkeenna, goob kasta iyo goor kasta, laakiin taasi uma hirgelayso, idam Alle, dalkana waan ka sifaynaynaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryay dhammaan dadkii ku dhintay qaraxyadaasi in uu fadhigooda ka yeello Jannatul Firdowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdeg ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com