Qarax weyn oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta uu magaalada ka dhacay qarax aad u weyn, kaasoo aanay dadku waayadaan maqal noociisa.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe, waana qarax laga maqlay gees ka gees xaafadaha magaalada, iyada oo dhismooyinka ka daateen muraayadaha.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ka dib ay dabley hubeysan gudaha u gashay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare, oo halkaasi ku taala.

Daqiiqado ka dib ayaa waxaa halkaasi laga maqlay qarax 2aad, sida ay Warbaahinta u sheegeen dadka halkaasi ka ag dhow.

Waxaa jira khasaare naf iyo maalba leh oo weerarkaasi ka dhashay, mana jirto cid illaa iyo hadda masuuliyaddiisa sheegatay.

Marka aad eegto baaxadda qaraxan iyo goobta uu ka dhacay ayaa waxa uu dadka reer Muqdisho soo xusuusiyay qaraxii 14-kii bishii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe, isla-markaana ay boqolaalka qof ku dhinteen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com