Ra’iisal Wasaare Barre oo si kulul u cambaareeyay qaraxyadii Muqdisho

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka naf lacaariga ah ee Khawaarijtu ay ku beegsadeen maanta dadka maatida ah, waxaana uu sheegay in aanu marnaba niyad jebin doonin kacdoonka shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalka ay Dowladda Somaliya hormuudka ka tahay ee lagu ciribtiraayo Khawaarijta.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Allaah uga baryay inuu Janatul Fardowsa ugu deeqo dhammaan shacabkii Soomaaliyeed ee Shuhadada ahaa ee maanta Khawaarijtu ku laayeen Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu sheegay in qaraxyada maanta dhacay ay tusaale u yihiin hadafka guud ee Khawaarijta, oo ah inay baabi’iyaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo aan kala sooceyn carruur, dhallinyaro, haween iyo waayeel, intaba.

Waxaa mar kale uu Ra’iisal Wasaaruhu ku celiyay in xukuumadda ay ka go’antahay, sidii loo dabargoyn lahaa kooxaha argagixisada, isagoo shacabkana ugu baaqay in si wadajir ah la isaga kaashado ka hortagga dhagarta ay maleegayaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com