Wararkii ugu dambeeyay qaraxyadii xooganaa ee ka dhacay Muqdisho

Ciidamada amniga ayaa xiray dhammaanba wadooyinka soo gala Xarunta Wasaaradda Waxbarahada, Hidaha & Tacliinta Sare, ka dib qaraxyadii xooganaa ee maanta ka dhacay waddada Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la aaminsan yahay inay bartilmaameed ahaayeen, inkastoo Wasiirka Waxbarashada iyo Kuxigeenkiisa ay goobta ka maqnaayeen, xilligii uu weerarku dhacayay.

Dad badan oo arday u badnaa ayaa goobtaasi u joogay, sidii ay shahaadooyinka Dugsiga Sare u qaadan lahaayeen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in laamaha amnigu ay ka war hayeen xogta qaraxyadan, inkastoo aysan haddana la socon baa la leeyahay goobta uu bartilmaameedku ahaa.

Ciidamada Dowladda ayaa caawa lagu arkayaa inta u dhaxeyso Isgoysyada Zoobe & Banaadir, iyadoo aanan loo ogoleyn isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Dhanka kale waxaa jira qoysas badan oo goobaha caafimaadka ka soo waayay xubno ka mida qoysaskooda, oo nolol iyo geeri aysan midna ku haynin, kuwaa oo ay tuhunsan yihiin suurtagalnimada inay ku hoos jiraan burburka dhismooyinka.

Ma cadda inta qof ee qaraxyadaasi ku dhimatay, waxaase soo baxaya warar sheegaya in dhimashadu sii caga-cageynayso 50 qof, halka dhaawacuna uu 100 kale ku dhowyahay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay inay ku howlan yihiin uruurinta macluumaadka ku aaddan tirada dadkii ku dhintay iyo kuwii kale ee ku dhaawacmay labadaasi qarax.

Qoysas badan oo ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxaa caawa guryahooda taala tacsida kuwii ay jeclaan, ee ay qaraxyadaasi mataanaha ahi ku waayeen.

Ururka Al Shabaab ayaa war qoraal ah ku sheegtay masuuliyadda qaraxyadan, oo galaaftay nolosha dad fara-badan oo aan waxba galabsan.

Qaraxyadan ayaa ku soo aadaya, xilli maanta Caasimadda Muqdisho lagu soo geba-gabeeyay shir looga hadlayay arrimaha xagjirka, kaasoo laga soo saaray in maleeshiyada Al Shabaab hadda ka dib loogu yeero (Khawaarij), waxaana shirka soo xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gunaanadkiisiina hadal ka jeediyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com