Wasiir Alcadaala oo bogaadiyay, sida shacabka ugu hoggaansameen awaamiirta dowladda

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa shacabka Soomaaliyeed ku ammaanay, sida ay ugu hoggaansameen awaamiirta Dowladda Federaalka.

“Shacabka Soomaaliyeed waan uga mahadcelinaynaa baraarugooda sarreeya iyo sida ay u muujiyeen diidanaantooda ka dhanka ah Khawaarijta. Waan ku faraxsanahay sida aad u fuliseen awaamiirta dowladdiina iyo sida aad u garab taagantihiin geesiyaasha jihaadka ku jira.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka.

Alcadaala ayaa qoraal ku sheegay in mar kasta oo shacabka Soomaaliyeed iska diidaan Shabaab iyo duleyntooda ay tahay mar kasta oo ay ku sii dhawaadaan nabad, barwaaqo iyo weliba xoriyad.

“Mar kasta oo aan diidno Khawaarijta iyo duleysigooda waa mar kasta oo aan u sii dhawaano nabad barwaaqo iyo xoriyad, innaga oo ka cabsanayna oo keliya Allaah (SWT).” Ayuu yiri Alcadaala.

Shacabka oo ganacsatada ay ugu horreeyaan ayaa waxaa qaarkood la sheegay in ay diideen inay maleeshiyada Al Shabaab siiyaan lacago ama canshuur, ay ku sii wadaan dagaalkooda iyo weliba dilka dadka Soomaaliyeed.

Dagaalkan ay hadda Dowladda Federaalka kula jirto mintidiinta Al Shabaab oo dhowr weji leh ayaa waxaa xudun u ah kacdoonka iyo baraaruga shacabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com