Wasiir Fiqi oo u ambabaxay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta u ambabaxay Degmada Buulo Burde ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Wasiirka ayaa u kuurgelaya xaaladda degmadaasi, xilli deegaanada ku dhow dhow ay ka socdaan hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

“Safarka ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda dadka deegaanka, qiimeynta buundada ay Shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xasillinta iyo arrimo kale.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Wasiir Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya Wasiirka Qorsheynta, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle iyo Saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda iyo xasillinta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com