Burbur xoog leh oo ka muuqanaya Isgoyska Zoobe (SAWIRRO)

Burbur xoog leh ayaa ka muuqanaya Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, ka dib qaraxyadii xooganaa ee Sabtidii ka dhacay halkaasi.

Goobta ay qaraxyadu ka dhaceen oo ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku yiilay dhismooyin badan oo ganacsi, waana mid ka mida wadooyinka loogu adeegsiga badan yahay ee magaalada.

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhimatay, tiro saddex boqol ku dhowna way ku dhaawacantay, sida uu Warbaahinta u sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaraxyadan oo laba ahaa, loona adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka.

Qaraxyadan oo ay sheegatay Al Shabaab ayaa argagax badan ku abuuray bulshada saddexda milyan gaaraysa ee ku dhaqan Caasimadda Muqdisho.

Waa markii labaad oo Isgoyska Zoobe ay ka dhacaan qaraxyo galaaftay nolosha dad badan, oo aan waxba galabsan. 

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com