Ganacsade Cumar Cali Cabdulle (Qoormadoobe) oo ku geeriyooday qaraxyadii Muqdisho

Alle ha u naxariistee ganacsade Cumar Cali Cabdulle (Qoormadoobe) oo ka mid ah ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa ka mid noqday dadka ku geeriyooday qaraxyadii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Ganacsadaha oo ka mid ahaa milkiileyaasha iyo aasaasayaasha Midnimo Supermarket ayaa waxaa la geeriyooday wiil uu adeer u ahaa, oo lagu magacaabi jiray Cabdikaafi Garaad Geeddi (Qoormadoobe).

Midnimo Supermarket ayaa ka mid ah xarumaha ganacsi, ee ay sida weyn uga dukaameystaan dadka reer Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tirada dadka ku dhintay qaraxyadaasi ku sheegay 100 qof, tiro saddex boqol ku dhowna ay ku dhaawacantay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com