Hormuud Salaam Foundation oo $200,000 ugu deeqday gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Isgoyska Zoobe

Hay’ada Hormuud Salaam foundation oo ah qaybta gargaaarka iyo hormarinta bulshada ee Shirkadda Hormuud Telecom & Salaam Somali Bank ayaa deeq lacageed oo gaaraysa $200,000 ugu deeqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cisman oo dadka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey masiibadii shalay, kana hadlay deeqda lacageed ee HSF iyo sida ay hay’adda uga qaybqaadatay gargaarka dadka waxyeelada soo gaartay ayaa yiri “Waxaa aan isla xalay sameynay 5 Telephone lines oo loogu tala galay gurmadka degdeg ah, sidoo saakay waxaa ay HSF dib u kicisay Xaruntii wicitaanka dadweynaha ee 449, oo horey loogu Isticmaali jiray COVID-19 , taasoo hadda loo isticmaalayo gurmadka degdegga ah. Maantana hay’adda waxa ay go’aansatay in ay 200 kun oo dollar ugu deeqdo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Zoobe, Allaha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacana allaha caafiyo.”

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir, Fartuun Shariif ayaa ka mahadcelisay deeqda Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay ugu yaboohday dadka ay waxyeelada ka soo gaareen qaraxyadii shalay ka dhacay Caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale waxaa madasha loogu dhawaaqay deeqda ka hadlay Cabdiraxmaan Guutaale oo ka tirsan Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka, isagoona ammaanay dadaalada iyo doorka muuqda ee ay Hay’addu HSF ku leedahay gurmadka socda, tan iyo markii ay qaraxyadu dhaceen.

Hormuud Salaam Foundation ayaa had iyo jeer waxa ay kaalin muuqata ka qaadataa u gargaaridda bulshada Soomaaliyeed, marka ay jiraan xaaladaha degdegga ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com