Madaxweynaha oo dhiig ugu deeqay dhaawacyada qaraxyadii Zoobe

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiig ugu deeqay dadka ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, si uu u dhiirigeliyo olalaha gurmad qaran ee loogu gurmanayo dadkaasi.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay baaqiisii xalay ee ku aaddanaa in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u istaaggaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadaasi, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay ka taggeen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

Madaxweyne ayaa sidoo kale bogaadiyay, sida qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed ay dhiigga ugu deeqeen dadkooda, biyaha iyo cuntada, dharka iyo agabyada kale ee muhiimka ah ay ula gaareen dhaawacyada.

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadan, tiro saddex boqol ku dhowna way ku dhaawacantay, sida uu xalay sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com