Ra’iisal Wasaare Barre oo booqday dhaawacyada qaraxyadii Isgoyska Zoobe (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa dadkaasi ku booqday Isbitaalada Madiina, Banaadir iyo Erdogan (Ex Digfeer) ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha oo ku soo wareegay qaybaha kala duwan ee ay yaallaan dhaawacyada ayaa Alle uga baryay in uu siiyo caafimaad degdeg ah, intii dhimatayna naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo.

Ra’iisal Wasaaraha oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaalada uu booqday ayaa ku ammaanay dhakhaatiirta iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda naf hurnimada ah.

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa caddeeyay in Somaliya ay dagaal kula jirto kooxo argagixiso oo aan cidina u tureyn.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa ugu baaqay shacabka Soomliyeed in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com