Tirada dadka ku dhintay qaraxyadii Isgoyska Zoobe oo gaartay 107 qof

Sabtidii shalay waxay ahayd maalin kale oo murugadeeda wadata oo soo martay shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, ka dib labadii qarax ee ka dhacay aagga Isgoyska Zoobe.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare, oo halkaasi ku taala, waxayna qaraxyadaasi dhaceen, xilli uu mashquul iyo ciriiri badani ka jiray waddada.

Waxaa tan iyo markii ay qaraxyadu dhaceen isa soo taraya tirada dadka ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay qaraxyadaasi.

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dambe oo xalay ahayd kormeeray goobihii ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa sheegay in qaraxyadaasi ay galaafteen nolosha 100 qof, halka tiro 300 ku dhowna ay ku dhaawacantay.

Tirada dhimashada ayaa laga baqdin qabaa inay ka badan tahay inta uu Madaxweynuhu sheegay, marka aad fiiriso inay weli qoysaska qaarkood la’yihiin xubno ka mida eheladooda, oo markii ugu war dambeysayna ku sugnaa Isgoyska Zoobe.

Isbitaalka Madiina oo keliya ayaa waxaa la geeyay 75 meyd iyo dhaawacyo 79 qof, sida uu sheegay Madaxa Caafimaadka ee isbitaalkaasi, Dr. Saciid Cabdulqaadir Daahir.

Isbitaalka Daaru Shifaa oo la geeyay dhaawacyada 30 qof ayuu mid ka mida bukaanada u geeriyooday dhaawicii uu qabay, sida uu xaqiijiyay Dr. Cabdullaahi Nuur Cumar oo ka tirsan dhakhaatiirta ka hawlgasha isbitaalkaasi.

Isbitaalka Digfeer ayaa isna la geeyay meydad gaaraya 31 qof iyo dhaawaca 106 qof, tani oo tirada dhimashada ee illaa iyo hadda la ogyahay ka dhigeysa 107 qof.

Khadar Ibraahim Faarax, Madaxa Shaqada & Shaqaalaha ee Isbitaal Kalkaal ayaa sheegay in isbitaalkooda la keenay 36 qof oo dhaawac ah, isla-markaana aysan qaabilin wax dhimasho ah, inta badan dhaawacyadana ay dib u fasaxeen.

Marka laga soo taggo in dad badani ku waxyeeloobeen qaraxyadaasi ayaa waxaa haddana jira burbur weyn oo ka soo gaaray goobihii ganacsiga ee halkaasi ku yiilay.

Qoysas badan oo degan Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa guryahooda taala tacsida kuwii ay jeclaan, oo ku geeriyooday qaraxyadaasi oo masuuliyadooda ay sheegatay Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com