Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle oo gaaray Tardo (SAWIRRO)

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray deegaanka Tardo oo Arbacadii laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Tardo oo ka tirsan Degmada Jalalaqsi ayaa ku dhow xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Kuxigeenka uu dadka deegaanka ugu baaqay inay u soo baxaan dagaalka gobolka looga saarayo kooxaha argagixisada.

“Madaxweyne Kuxigeenka ayaa shacabka deegaanka ugu baaqay inay u soo baxaan halganka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah, isagoo tilmaamay in adeegyada aasaasiga ah ee dowladda la soo gaarsiin doono deegaanka Tardo.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa ka tegay Degmada Maxaas, oo maalmihii ugu dambeysay uu ka waday abaabulka iyo hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com