Xasan Sheekh “Shabaab & Daacish ka ogolaan mayno inay buuraha Puntland saarnaadaan”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay xiritaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa bogaadiyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u istaagay gurmadka shacabka ku waxyeeloobay qaraxyadii Sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo la dagaalanka kooxaha argagixisada, dib-u-dhiska dowladnimada iyo xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaal & Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisu ay muhiim u tahay la dagaalanka iyo ciribtirka kooxahaaasi, ayna u mideysan yihiin, sidii dalka looga suulin lahaa.

“Waa loo mideysan yahay, waana loo ballamay inaan loo kala harin, sidii dalka nimankaasi looga bixin lahaa gacantooda iyo meelaha ay jooggaan, dhibka ay dadka ku hayaana loo saari lahaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri “Dalkeenu marxaladuu ka guurayaa muddo uu ku soo jiray, marxalad kaluu u guurayaa. Marxalad dhib, qaxar, karaamo dil, caqiidadii iyo cibaadadii ummadda laheyd oo lagu ciyaaro, qaranimadii iyo ummaddaan umadnimadeedii oo si xun loola dhaqmo ayaan ka guuraynaa, waxaana u guuraynaa gole, meel ama barri’ nabad ah oo diinteenana aan u madaxbannaanahay, dadkeenana sharaftooda iyo karaamadooda aan ku ilaalino, ayagoo isla jira oo walaalo ah gacmaha is haysto oo heshiis ah, caalamkana aan kula macaamilno wanaagaas aan gaarnay.”

Madaxweynaha oo Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ku ammaanay inay wax badan qabteen ayaa dhanka kale sheegay inay u diyaargaroobayaan, sidii ay amniga dalka ugala wareegi lahaayeen.

“Ciidamada ATMIS waa nala jooggaan, wax badanee soo qabteen, Ilaahay idinkiis waqtiga ugu dhow ee suurtagalka ahna masuuliyadda amniga dalkeena waan la wareegi doonnaa, asagoo dalkuna uu xor ka yahay Khawaarijta.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “Shabaab oo Dowlad Goboleedyada ku yaala Gobolada Dhexe iyo Gobolada Koonfureed dhibka ku haya iyo sidoo kale Shabaab & Daacish oo Puntland ayagana meelo ka mida oo yaryar ku harsan intaba waa loo taaganyahay cawo iyo maalin, kuwaasna ka ogolaan mayno inay buuraha Puntland saarnaadaan, kuwaana ka ogolaan mayno inay ku habsadaan dhul beereedkii, nimcadii iyo meeshii ay Somaliya uga kaaftoomi laheyd in mucaawino la siiyo oo loo soo gurmado, una diidaan inay dadkii tabcadaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay inay ka shaqeynayaan, sidii shacabka Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa ku sugan ay hal meel ugu wada jiheyn lahaayeen.

“Soomaalida gudaha joogta, dadaal, orod, isku duubnaan iyo waxaan wadnaa sidii dadka Soomaaliyeed ay hal dhinac u wada jeedsan lahaayeen. Ballantii aan qaadnay ee ahayd Soomaali heshiis ah ayaan ku taaganahay, astaanteediina waad aragtaan. Aad iyo aad ayaan u bogaadinayaa, uguna mahadcelinayaa hoggaamiyeyaasha galabta halkan ila joogga, niyadda-san iyo wanaagga in Somaliya ay horey u socoto ah, isu tanaasulka, ra’yi wadaagga, talo kala qaadashada iyo go’aan qaadashada waan ku bogaadinayaa runtii, aad iyo aad ayaana ugu bogaadinayaa, yadidiilo cusub oo runtii Somaliya ah ayaan arkaa inay u soo socoto.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com