Xubno lagu helay Shabaabnimo oo lagu toogtay Magaalada Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay saddex nin, oo ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab.

Raggan oo lagu kala Magacaabi jiray Xasan Macalin Cali Barre (Boy), Isaaq Keerow Aadan iyo Nuur Ibraahim Mahad-alle ayay horey xukun dil ah ugu riday Maxkamadda Ciidamada.

Xasan Macalin waxaa lagu helay in uu wade ka ahaa gaari ku qarxay suuqa xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Wadajir, kaas oo ay ku dhinteen 12 qof, waxaana la xukumay 14-kii bishii September ee sanadkii 2019.

Isaaq Keerow Aadan waxaa lagu helay inuu ku lug lahaa dilal qorsheysan iyo weeraro ka dhacay Gobolada Shabellaha Hoose, Banaadir iyo Hiiraan, waxaana la xukumay 14-kii bishii July ee sanadkii 2020.

Nuur Ibraahim Mahad-alle ayaa isna lagu helay qaraxii lagu dilay Gudoomiye Kuxigeenkii Amniga & Siyaasadda ee Degmada Maxaas, Rashiid Cismaan Cabdi, waxaana xukunka dilka toogashada lagu riday 30-kii bishii October ee sanadkii 2019.

Nuur Ibraahim ayaa la sheegay inuu horey uga tirsanaa Ciidanka Booliska, balse laga saaray ka dib markii lagu eedeeyay isticmaalka maandooriyaha iyo inuu lunsaday hub ay dowladdu laheyd, ka dibna uu Shabaab ka soo qaatay qandaraas lagu dilayo marxuum Rashiid Cismaan Cabdi.

Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada, Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa Warbaahinta u sheegay saddexda nin ee la toogtay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com