Madaxda Golaha Wadatashiga oo dhir ku beeray Madaxtooyada Qaranka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Madaxtooyada Qaranka ku beeray 9 geed oo qayb ka ah qorshaha qaran ee Somaliya cagaar ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dalkeena oo abaaro soo noqonoqday ay aafeeyeen, saameyn xoogan ay ku yeelatay duruufihii adkaa ee dalku soo maray, taas oo sababtay nabaad-guur xoogan oo saameeyey nolosha iyo deegaankaba.

“Burburkii ku dhacay dalka keliya ma saameyn dadka ee dhibaato xoogan ayuu gaarsiiyay deegaanka Soomaaliyeed, waxaa naga guuray xayawaanaadkii iyo dhirtii uu caanka ku ahaa dalkeenu. Dib u dhiska dowladnimada waa in ay barbar socotaa dib u cagaarinta deegaanka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha ee ku aaddan daryeelka deegaanka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa faray Hay’adaha Dowladda in ay hormuud u noqdaan qorshahan oo dhireeyaan xarumaha ay ku shaqeeyaan, sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed oo taariikh ahaan door wanaagsan ka qaata daryeelka deegaanka in ay guryaha iyo goobaha ganacsiga ay ku tallaalaan geedahan waxtarka u leh deegaanka oo ay dowladdu diyaarisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka rajeeyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Deegaanka & Is beddelka Cimilada Xukumadda Federaalka in ay labada bilood ee sanadka ka dhiman ay ku abuuraan caasimadda 100,000 oo geed, si loogu gudbo dhireynta caasimadaha Dowlad Goboleedyada iyo guud ahaan degmooyinka iyo deegaanada dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com