Dowladda Itoobiya iyo TPLF oo heshiis ku gaaray Magaalada Pretoria

Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Gobolka Tigrayga ee TPLF ayaa Arbacadan heshiis xabad joojin ah ku gaaray Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

Ka dib wada hadalo uu garwadeen ka ahaa Midowga Afrika, muddo toddobaad ahna uu labada dhinac uga socday dalkaasi ayay ku gaareen heshiis lagu joojinayo colaadda waqooyiga Itoobiya, hub ka dhigis marxaladeysan, in dhabaha gargaarka bani’aadanimo loo furo dadka u baahan iyo in la soo celiyo adeegyadii dadweynaha.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay Redwan Hussien Rameto, halka TPLF uu u saxiixay Getachew Reda, waxayna labaduba ka mid yihiin ergooyinkii labada dhinac ku metelayay wada hadaladaasi.

Dhinacyada ayaa waxaa dhexdhexaadinayay Midowga Afrika iyo Dowladda Mareykanka, oo door ku laheyd heshiisiintaasi.

Ergeyga Gaarka ee Midowga Afrika, Olusegun Obasanjo ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid bilow u ah geeddi-socodka nabadda.

Wada hadaladan oo sidoo kale uu Midowga Yurub taageeray ayaa loo arkaa mid lagu soo afjari karo colaadda muddada labada sano ka socotay dalkaasi.

Colaadda Itoobiya ayaa galaafatay nolosha kumanaan qof, iyadoo mallaayiin kale ay ku barakaceen, halka dad badanina ay macluul qarka u fuuleen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com