Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa kormeeray dhismaha ka socda Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee magaaladaasi.

Garoonka ayaa waxaa ka soconaya dhisme la doonayo in ballaarin iyo dib-u-habaynba loogu sameeyo garoonkaasi.

Dhismaha ballaarinta ee ka socoto garoonka oo soo socday 18-kii bilood ee ugu dambeysay ayaan wax saamayn ahi ku yeelan howlaha shaqo ee garoonkaasi, waxaana Koonfur Galbeed dhismihiisa ka caawinaya deeq bixiyeyaasha.

Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com