Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay Magaalada Algiers ee dalka Algeria, Madaxweynaha Dowladda Masar, Abdel Fattah El-Sisi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga warbixiyay dhiggiisa dalka Masar howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobalada dalka iyo dadaalada ay Dowladda Somaliya ugu jirto xasillinta deegaanada laga xoreeyay Al Shabaab, si dadka ku nool ay u helaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada ayaa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in Somaliya lagu taageero dagaalka ay uga soo horjeeddo argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale kala hadlay Madaxweynaha Masar saameynta daran ee abaaraha iyo is bedelka cimiladu ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed, taas oo sababtay in tiro badan oo shacab ah ay ka barakacaan deegaanadii ay ku noolaayeen, kuwaas oo u baahan gargaar bani’aadannimo.

Dhankiisa, Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi ayaa soo dhaweeyay guulaha ay Dowladda Somaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidanka Xoogga, si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada. Waxa uuna muujiyay sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istaaggaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne El-Sisi oo ballanqaaday in ay Somaliya ka caawin doonaan dhanka cuna yarida, si kaalmo loo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen ayaa intaas raaciyay in ay shirka soo socda ee cimilada ee ka dhacaya Masar ay cod ugu noqon doonaan Somaliya, sidii uu caalamku ugu baraarugi lahaa saameynta is bedelka cimiladu ku yeelatay Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com