Madaxweyne Laftagareen oo magacaabay xubno cusub

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa caawa magacaabay laba xubnood.

Madaxweynaha ayaa Cabdiraxmaan Cali Gaab Cabdi u magacaabay La taliyaha Maamul Daadejinta & Dimoqraadiyeynta ee Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu Eng. Saalax Sheekh Cismaan u magacaabay la taliyaha Howlaha Guud & Dib-u-dhiska ee Xafiiska Madaxweynaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com